Ururka Isdhexgalka iyo iswaydaarsiga dhaqanka
Nagu Saabsan:
ISKA START waa Urur utaagan wanaajinta is dhexgalka Bulshada iyo iswaydaarsiga Dhaqanka
Bulshada Somaliyeed ee ku nool Dalka Austeria ee ku jooga qaab Qaxoontinimo ama Horey
usoo maray, waxaana la aasasay Sanadka 2023 .
Waxaan Bixinaynaa…
• Fursadaha Waxbarashada( Taagerida Barashada Luuqada Germalka ,Agaasimid iyo
Wargalin macluumaadka ku saabsan waxbarashada iyo nidaamka
Dugsiyada/Schoolada, sidoo kale fahanka qaabka nolosha cusub ee wadankan Austeri
. Tusaale ahaan sidee u korin karaa ilmahayga? Sideed ugu diyaarin karaa ilmahayga
xanaanada/dugsiga ka hor inta aysan gaarin Bandhigyo iyo Macluumad I.W.M).
• Tallabixin( Ku aadan Mowduucyo gaar ah oo ku saabsan qoysaska iyo dhalinyarada
(waxbarashada, shaqada, guriyeynta, deegaanka, sugida nolosha,socdaalka, takoorka,
iwm.). La-talinta waxay ahaanaysaa la-talin Wadareed ama Koox ahaan iyadoo af-ka
hooyo ama af-soomaali. Ku bixidoonto.
• Dhaqanka iyo Madadaallada,(Samaynta bandhigyo isboorti iyo is dhexgalka.
Hirgelinta hawlaha firaaqada hab ku habboon
Hadafkayagu waa inaan ka caawino bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan
wadanka Austeria ku jooga hab magangalyo/Qaxootinimo ama soomaray
baahiyaha gaarka ama Tabashooyinka ay qabaan .
• Waxaa naga go'an in aan u istaagno tabashooyinka gaarka ah ee Bulshada iyadoo
loo marayo isku xirka iyo xiriirka dadweynaha. Iyo dalabyada jira.
Macluumaad faahfaahsan oo ku saabsan waxyaabha aan qabanayno waxaad nagula soo
xiriiri kartaa telefoon ahaan, iimaylka ama si shakhsi ahaan saacadahayada furitaanka
ISKA START.
Ururka Isdhexgalka iyo
iswaydaarsiga dhaqanka

